Madaxda Maamul goboleedyada Dalka qaarkood oo Muqdisho soo gaaray iyo Shir beri furmaya

0

Beri oo Axad ah ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo dhex mari doona Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho,halka kuwo kale la filayo in ay soo gaaraan Saacadaha soo socda.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Muqdisho Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Beri uu Hogaamiyaasha Soomaalida u furmayo Shir looga hadlayo Doorashada Sanadkaan 2016.

Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya oo Soo saaray Xeer looga hadlayo Doorashada Dalka uu shaaca ka dhigay in Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga ay shir gaar ah ka yeelan doonaan qaabka ay u dhacayso Doorashada Bisha August ee Sanadkaan.