Madaxweynaha: “Dagaalka Al-shabaab guulo la taaban karo ayaan ka gaarnay”

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Africa ay kaalintii looga baahnaa ka qaadatey taageerada Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayey maalinta Qaaradda Africa, kuna beegan àas aaskii Ururka Midowga Africa.

Waxaa uu Madaxweynaha xusay in Africa ay dunida u muujisey in ay mashaakilaadkèeda xalisan karto, isla markaana Soomaaliya oo haatan dib u soo kabaneysa ay diyaar u tahay kaalinteeda inay ka qaadato horumarka iyo xasiloonida qaaradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in doorkaasi ay Soomaaliya cayaartey awgeed ay waddamada Africa si weyn ugu soo gurmadeen, maantana dalku isku diyaarinayo qabsoomida doorashooyin markii ugu horeysay dhaca 47 sanno kadib.

Waxaa uu dhanka kale ka hadley dagaalka lagula jiro Al Shabaab oo uu sheegay in guulo la taaban karo laga gaarey.

Waxaa uu Madaxweynaha mahadcelin u jeediyay dalalka deriska ee muddada dheer uu dhabar adeegay culeyska ay kala kulmeen Qaxootiga Soomaaliya ah oo waddamadooda ku nool.