Madaxweynaha Dalka Turkiga oo booqanaya Dalka Kenya

0

Dadaal uu Turkigu ku doonayo inuu ku ballaariyo awooddiisa dhaqaale ee bariga Afrika, Rajeb Deyib Erdogan ayaa la filayaa inuu dabayaaqada sanadkan booqasho ku yimaado dalka Kenya.

Booqashadiisa ayaa ah tii ugu horreysay ee uu Erdogan ku yimaado taniyo kolkii uu xilka madaxtinimada dalkaas qabtay.

Af-hayeen u hadlay dowladda Turkiga ayaa sheegay in xiriir dhex-mara Kenya iyo Turkiga ay faa’iido laba-lis ah ugu jirto dhaqaalaha labada dal.

Turkiga ayaa ku tala jira inuu Kenya ka hir-galiyo mashaariic dhismo oo waaweyn oo kamid yihiin dhismaha buundooyin iyo jidad. Hadal laga soo xigtay af-hayaenka dowladda Turkiga ayuu ku kaftamay in dhismayaasha ay doonayaan inay ka hir-galiyaan Kenya ay ka fiicnaan doonaan kuwa uu Shiinuhu ka sameynayo.

Shiinaha iyo Maraykanka ayaa loolan awoodeed oo dhaqaale  iyo militariba kusoo galay qaaradda Afrika. Turkiga ayaana isna soo galaya boosaska dalalka reer Yurub ee quudarreynaya maal-gashi Afrika.

Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee kasoo jawaabay abaartii ku dhufatay geeska Afrika sanadkii 2011. Taniyo xilligaasna, Turkigu wuxuu Soomaaliya ka hirgaliyay xarumo badan iyo dhismayaal  muhiim ah sida jidadka iyo isbitaallo.

Si kastaba, lama oga sida uu kusoo idlaaan doono booqashada uu Erdogan ku sheegay inuu ku tagayo Kenya iyo waxa xigi doona. Balse hadday wax-yaalo ku heshiiyaan, Kenya waxay kusoo biiri doontaa dalalka Afrika ee xiriir diblomaasi la yeesha dalka awooddiisa dhaqaale ay si xowli usoo kaceyso.