DHAGEYSO:- Madaxweynaha Khaatumo “ Ciidanka Somaliland waan ka saareynaa degmada Laascaanood”..

0

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in bilaha soo socda ay si buuxda ula Wareegayaan degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaxweynaha Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in dagaal iyo awood kaga saarayaan Ciidanka Somaliland eek u sugan Degmada Laascaanood.

Waxa uu sheegay in ay diyaariyeen Ciidankii Somaliland ka saari lahaa degmadaasi isla markaana ay qorsheynayaan in bilaha soo socda ay ka saaraan.

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa degmada laascaanood ee gobolka Sool ku dagaalamaayay Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Khaatumo iyo Somaliland, Waxaana labada dhinac ay guulo ka sheegteen dagaaladaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-