Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo xubanaha ku wehliya safarkiisa ayaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxa ay kaga soo qayb galeen shirka looga hadlayay arrimaha Bini’aadanimada ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka soconayay halkaasi.

Madaxweyanah iyo wefdigiisa oo loo galbiyay xarunta Aqalka Madaxtooyada dalka ee Villa Soomaaliya ayaa la filayaa in uu dhowaan bulshada Soomaaliyeed la wadaago waxyaabihii ay kala soo kulmeen dalka Turkiga iyo guulihii ay ka soo hooyeen kulamadii ay arrimaha Soomaaliya kala soo yeesheen madaxda Caalamka ee shirkaasi ka qayb gashay.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Turkiga waxa uu halkaasi kula kulmay saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo halkaas tababar u jooga.