Magaalada ugu weyn ee Kooxda Daacish Syria ka maamusho oo la weeraray

0

Maleeshiyaadka uu Maraykanku taageero ee Kurdiyiinta ah ayaa weeraray magaalo ay maamusho kooxda isku magacawday Khilaafada Islaamka ee Daacish oo ku taala waqooyiga dalka Ciraaq.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalamayaa Kurdiyiinta ay weerareen magaalada Raqa waxaana socda dagaal xoog leh waxaana uu ku bilowday dagaal duqeyn magaalada ku dhacday.

Warbaahinta qaar ayaa sheegaya in maleeshiyadda weerartay magaalada Raqa ay tiro ahaan gaaraan ka badan yihiin 30,kun oo dagaalame waxaana hawada ka taageeraya diyaarado dagaal oo Maraykanku leeyahay.

Kooxda Daacish ayaa magaaladaas qabsaday sanadkii 2014 waxaana ay u aqoonsan yihiin caasimadooda Syria.