MAQAAL:Caabudwaaq Culumaa’udiinkii U Doona Ducana Ugu Dara Taladeeda.

0

Ugu horeyn waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka ASC WR WB.

Bacda salaan, aduunka subaxba meel ayay joogtaa xaajada, sanado ka hor magaalada Caabudwaaq waxa ay kamid ahayd magaalooyinka dalka Soomaaliya ugu Nabadda iyo Horumarka badan, saakana waxa ay maraysaa sidaa lawada socotaanba in magaalada Caabudwaaq loogu dilay siyaabo kala duwan afar ruux oo dhalinyaro ah kana mid ahaa kuwii usoo kacay magaaladaas.

Waxaan dhambaal tacsiyadeed u dirayaa dhamaan eheladi iyo qaraabadi Allaha u naxariistee afartaas Marxuum ee sida waxuushnimada ah loogu dilay magaalada Caabudwaaq, waxaana leeyahay samir iyo imaan Allaha idinka siiyo, Marxuumyadana Janadii Fardowsa ahayd Allaha ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

Waa nasiib daro, waa Ihaano iyo waana inkaar, marba haddii Haween, Xidid iyo Xigaalba ku nabad galeyn magaalada Caabudwaaq oo ruuxii nafi ku jidhaba mindiyo hoosta looga lisanayo si mar uun qudha looga gooyo.

Run ahaantii maanta markaan maqlay dilalkan ka dhacay magaalada Caabudwaaq, waxaan durbaba isweeydiiyay oo madaxayga kusoo dhacday, war dadkan ma inkaaran yihiin, war dadkan xagee loo wataa, war dadkan mawuusan ku jirin ruux caaqil ah oo leh garasho fog amaba wax xeerinaya.

Waxaa iisoo baxay halka inkaartu ka jidho dadkan ku habsatay, taas oo aan oran karo waa wiilashoodi Culumaa’udiinka ahaa ee daacada ugu adeegayay iyagoo aan ku qabin wax nacfi ah oo gaar ah islamarkaana sida foosha xun loola dagaalamay si hogaanka ay u qabtaan niman sharwadayaal ah oo dalalkii ay ku noolaayeenba dadkii kula noolaa ee Soomaaliyeed ay HAAH soo dhaheen.

Culumaa’udiinka waa kuwii nabadda iyo horumarka Soomaali iyo Beesha Caalamkuba qireen keenay, maalinkii ay ka baxeen magaalada Caabudwaaq ilaa maanta oo aan joognana wax maamul, sharci, iyo ehelnimo ah oo la xeerinayo oo ka jira magaalada Caabudwaaq majiraan, waxaana ka socda foowdo iyo in uun qofba qofkuu ka wanaagsan yahay ama ka baladisan yahay lagu dilo magaalada.

Talosojeedin

Reer Caabudwaaqoow Caano daatay daba qabasheey leeyiihiin ee ar maanta ameey roontahay in aad magaalada Caabudwaaq Culumaa’udiinkii U Doontaan Ducana Ugu Dartaan Taladeeda? Bini aadam baase tihiin waana ogahay ma tihiin dad quusta saad u badan tihiin oo balo ku nool ayaa tihiin, waxaase idiin sheegayaa reer Caabudwaaq hadaa tihiin qiil dambe idiinma harin oo aad kusii indho adeegtaan sababtoo ah Haween, Xidid Iyo Xigaalba isuma aydnaan bad baadin ee armeey danta maanta idiinku ku jidhaa inaad isdaba qabtaan oo gartaan dantiina cida ay ku jidho, adinkoon la tashanayn nin qurbajoog ah oo caruurtiisa talaajada raashin uga buuxdo, Caabudwaaqna aan idin la joogin, sababtoo ah qurbaha dadka ku nool intoodabadan ee dharagta ka badatay waxaa ka dhumay  garowshiyihii iyo dowgii samaa, ar hooy tashta (Isma Hurtooy Ha Is Haleenina).

Gabgabo waxaan kusoo gabagabeenayaa qoraalkeyga kuna xasuusinayaa Qurbajoogti u durbaan tumi jirtay la dagaalanka iyo caayda Culumaa’udiinka reer Caabudwaaq, waad arkeysaan taladiini waxuushnimada ahayd ee aan idinka diidnay, waad aragtaan xataa Haweenka iyo Xididka inaan magaaladii Caabudwaaq ahayd lagu deeynayn, midse ogaada halkii qof ee ku dhinta ama qasaaro kasoo gaarto inaad qayb ku leedihiin, dhiiga daadanayana ee dadkaas wada dhashaya hurintiisa aad qayb wayn ka ahaydeen, xikmadiinuna ay ahayd mid aad u hooseeysay markaad u durbaan tumeyseen sharta lagu burburinayay Midnimada iyo Wadadhalashada dadka reer Caabudwaaq, maantana waxba  kama qaban kartaan marka laga reebo in aad uun dambi dhiig islaam ah daadintiisa gacmaha kula jirtaan. Ogaada Aaqiro iyo Aduunba waad seegteen gacan ku dhiigleyaal ayaana tihiin.

Wabilaahi Towfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg