Maxkamadda Gobolka Banaadir oo go’aano ka soo saartay Dadka Ajaaniibta ah ee ku sugan Muqdisho

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in la Maxkamadeyn doono Ajaaniib dalka sharci la’aan ku jooga, kuwaasoo laamaha amniga gacanta ku hayaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in sharciga la hor-keenayo dadka ajaaniibta ee sharci darrada dalka ku soo galay.

“Qof kasta oo sharciga ku xadgudba ajaaniib ha ahaado ama muwaadin sharciga ayaa la hor-keenayaa, waa jiraa dad ajaaniib oo dalka sharci darro ku jooga oo la soo qabtay, horayna waa u dhacday in Maxkamad la soo taago, hadana waa la soo taagayaa”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.

Waxaa uu sheegay in aysan heyn tiro rasmi ah oo ku aadan Ajaaniibta la haayo ee sharci darrada dalka ku joogta, hase ahaatee ay ka sugayaan hey’adaha wada shaqeynta kala dhaxeyso inay u soo gudbiyaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu hoos u dhac ku yimid dacwooyinkii la xiriiray dhulalka oo ahaa kuwo ugu badan ee muddooyinkii la soo dhaafay Maxkamaddu qaadi jirtay.

Sanadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ganaax iyo musaafuris isugu dartay shaqaale ajnabi ah oo u dhashay dalka Kenya, kuwaasoo howlo shaqo ka hayay Xarunta Xalane oo ay ka howl galaan Safaarado reer galbeed ah, Talisna u ah howl galka AMISOM.