NEWS: Q.M oo ku dhawaaqday 700 ruux in ay ku dhinteen Badda Mediterranean-ka

0

Qaramada Midoobay oo sheegtay ku dhawaad 700 ruux inay ku dhinteen Badda Mediterranean-ka todobaad gudihiis29 May 2016

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay UNHCR, ayaa sheegtay in laga yaabo in ka badan 700, oo Qaxooti ah in ay ku hafteen Badda Mediterranean-ka ee Koonfurta Talyaaniga, toddobaadyadii la soo dhaafay.

Af-hayeen u hadsahay hay’adda oo lagu magacaabo Carlotta Sami, ayaa khadka taleefanka Axadda maanta ah ugu sheegtay Wakaaladda Wararka ee AP, in dad lagu qiyaasay 100 qof ay ku maqan yihiin doon degtay Arbacadi.

Waxa ay sheegtay in 550, qof oo kale ay ku maqan yihiin Doon degtay subixii Khamiista.

Qaxootiga ayaa sheegay in doon siday ilaa 670 qof, aysan lahayn Matoor, isla markaana ay jiiidaysay Doon kale oo kuwa tahriibka ah ka hor inta aysan degin.

Ilaa 25 qof ayaa ka badbaaday dhacdadaas, 79 kale ayay badbaadiyeen doomo ilaalo hayay, waxaana la helay meydadka 15 qof.

Carlotta Sami, ayaa sheegtay in Jimcihi la soo helay meydadka 45 qof, iyada oo la werinayo in qaar badan la la’ yahay.

Warar kalena waxay sheegayaan in 19 qof ay soo badbaadisay Doon ilaalo haysay, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka AFP, oo soo xiganaysa saraakiisha ilaalada xeebaha.