NEWS+TOP: Faah faahin laga helayo dagaal ka dhacay duleedka Xudur ee gobolka Bakool

0

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Shabaab  ayaa ku dagaalamay duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya halkaas.

Ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa weerar kusoo qaaday fariisimo ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Inta la xaqiijiyey 1 qof ayaa ku dhintay halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen dagaalka Ka dhacay duleedka degmada  Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Saraakisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen tiro ka mid ah ururka Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ay dileen askar ka tirsan dowladda Soomaaliya dagaalkii xalay ka dhacay duleedka degmada Xudur.

Xalaada ayaa hada dagan,inkastoo goobtii xalay uu dagaalku ka dhacay laga dareemaayo saansaan colaadeed.