DHAGEYSO:- Odayaal iyo Waxgarad go’aano ka soo saaray shir ay ku yeesheen Magaalada Jowhar

0

Waxgarad, Odayaal iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ayaa ka hadlay shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxayna sheegeen in ay ku dadaalayaan dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay muhiim tahay in meel loogu soo wada jeesto dhismaha Maamulkaasi.

Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ayaa ugu baaqay beelaha ka maqan Shirka Jowhar iney ku soo biiraan shirka isla markaana ay muujiyaan tanaasul.

Waxaa Magaalada Jowhar ka soconayo shir la doonayo in Maamul loogu sameyo gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana weli jira beela ka soo jeeda qaabka uu u socdo dhismaha Maamulkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-