Rabshado ka taagan Dalka Ciraaq iyo Khasaaro ka dhashay

0

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq, Xayder al-Cabaadi ayaa sheegay in dawaldiisa ay xaaladda ammaanka magaalada Baqdad si buuxda gacanta ugu dhigtay

Ka dib maalin dibadbaxyo rabsahado wato ay ka dhaceen magalaadaasi Baqdaad

Boqolaal qof oo tageerayaal u ah wadaadka awooda badan ee Shiicada ah ee Muqtada Al-sadar ayaa isugu soo baxay.

Dadkan waxay yimaadeen afaakfa hore ee dhismaha Baarlamaanka dalka Ciraaq .

Waxay soo jiireen dibadbaxayaasha afaafka hore ee aadka loo ilaaliyo ee Khadka Cagaaran.

Dadkan waxay doonayaan oo ay dalbanayaan in dowladda jirta la badalo si musuqmaasuqa wax looga qabto.

Balse Baarlamaanka Ciraaq ayaa doonaya in dowlada haatan jirta aanan la badalin.

Ra’isul Wasaare Cabadi ayaa sheegay in ismarin-waaga uu wiiqayo awooda dawladiisa ay u leedahay.

Ayna fursad siinayso Kooxda la magac baxday Dawladda Islaamka.