Ragii ka dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kambala oo Maanta la xukumay

0

Maxkamad ku taala dalka Uganda ayaa shan nin ku xukuntay xabsi daa’in kaddib markii lagu helay dambi ah in ay ku lug lahaayeen qaraxyo sanadkii 2010-kii ka dhacay magaalada Kampala oo ay ku dhinteen 76 qof.

Labo nin oo kale ayaa maxkamaddu waxa ay ku xukuntay min kontan sano oo xarig ah.

Qaraxyadaasi oo ismiidaamin ahaa ayaa waxaa lala eegtay taageerayaasha ciyaarta kubadda cagta oo daawanayay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee tartankii koobka kubadda cagta adduunka ee sanadkii 2010.

Kooxda Islaamiga ee Soomaaliya ee Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi.

Al-Shabaab waxa ay sheegtay in qaraxyadaasi ay jawaab u ahaayeen ka qayb ahaanshaha ciidamada Uganda ay ka qaybta ka yihiin hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.