Ra’isal Wasaaraha Dalka Ciraaq oo amray in la xir xiro dibad baxayaal ku banaanbaxaya caasimada dalkaas.

0

Ra’isal Wsaaraha dalka Ciraaq Xaydar Al-Cabadi ayaa amray in la xir xiro dad dibad baxyo rabashada ewata ka dhigaya caasimada dalkaasi ee Baqdad.

Ra’isal Wasaare Al-Cabadi ayaa amray ciidamada dalkaaasi inay awood u adeegsadaan kala cayrinta dadka dibad baxyada rabshadaha wata ka dhigaya aaga cagaaran ee sida weyn loo illaaliyo oo Baqdad ku yaala.

War xafiiska Ra’isal Wasaaraha kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dawladu aysan u dulqaadanayn rabshadaha socda waxaana uu amray in xasiloonida deg deg loo soo celsho.

Dibad baxayaal taageersan hogaamiyaha Shiicada ah Muqtadar Asadr ayaa tan iyo shalay banaanbax rabshato wata ka dhigaya banaanka aqalka baarlamaanku ku shiro kadib markii ay ka caroodeen in xildhibaanadu ansixin waayeen wasiiradda cusub ee dalkaas.