Ra’isal wasaaraha oo ka baaqday Safarkii uu ku tagi lahaa Magaalada Dhuusomareeb

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Wafdi oo Hogaaminayo ayaa maanta oo Sabti ah la filayay in ay tagaan Magaalada Dhuusamareeb oo Fariisin u ah Maamulka isku Magacaabay Gobolada Dhexe ee Ahlusunna.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Sharmaake iyo Wafdigii raaci lahaa ay ka baaqdeen Magaalada Dhuusamareeb in ay tagaan.

Inkastoo aan si dhab ah loo Xaqiijin Sababta keentay baaqashada Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa Warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in Ahlusunna diiday in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha laga reebo Wasiiro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad.

Warar kale ayaa sheegaya in Diyaaradii qaadi laheyd Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha uu dib u dhac ku yimid islamarkaana ay keentay in Wafdiga uu maanta baaqdo.

Ra’iisul Wasaare Sharmaake ayaa waxaa ka mid ah Wafdigiisa Wasiiro ka tirsan Xukumadda iyo Urur Goboleedka IGAD,balse waxaa la filayaa in Beri ay tagaan Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.