Sanduuqa lacagaha Aduunka oo Somaliya siinaya Kaalmo Teknaloojiyada ah

0

Sanduuqa lacagaha aduunka ayaa markii u horeysay mudo 25 Sano kadib shaaca ka qaday  inuu Somaliya siinayo kalmo dib loogu dhisayo dalka.

Bayaan uu magaalada Washinton ee xarunta dalka Mareykanka ka soo saaray Sanduuqa  ayuu ku sheegay inuu kaalmadaasi sii wadayo ilaa bisha Abril sanadka 2017 si dib u dhis loogu sameeyay  xarumaha dowlada,hagaajinta maamulka iyo kaabaysha dhaqaalaha dalka Somaaliya .

Talaabadan ayaa ah mid isu soo dhawynaysa wada shaqeynta xukuumada Somaliya iyo kan Sanduuqa lacagaha aduunka iyadoo laga ambaqaadyo ka gadaal mrkii la xaqiijiyay in   Sanadkii la soo dhaafay 2015kii maamulka maaliyadeed ee dalka uu soo hagaagay  mudo 26 sano kadib.

Bayaankaa uu soo saaray Sanduuq lacaga aduunka  ayaa lagu sheegay inuusan Somaliya siinaynin deyn  kadib markii ay iska bixin weysay  deymo hore looga lahaa oo dhan 328 milyan oo Dollar.