Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee gobolka Ged oo sheegay inuu gaabis ku yimid Howlgalka AMISOM ee Gedo

0

Jeneraal Cabaas Ibraahim Gureey Taliyaha Ciidamada Milatariga ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu gaabis ku yimid howgallada Milatari ee ka dhanka ah Al Shabaab oo ay deegaanno ka tirsan Gobolkaasi ka wadeen Ciidamada dowladda iyo kuwa  Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Taliyaha ayaa xusay in Magaalada Baardheere ay ugu dambeysay howlgal ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM  ay ka sameeyeen gobalkaasi.

Isagoo sii hadlayey Jeneraal Cabaas Ibraahim Gureey ayaa waxaa uu tilmaamay in howlgallada deegaanada lagula wareegayey ay ciidamada iskaashanaya u weeciyeen howgallo kale oo la isagu furayo deegaano ay Al Shabaab go,doomiyeen,balse wuxuu carabka ka dhuftay in haatan ay jiraan qorshooyin Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobalka Gedo.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa  ee AMISOM oo ku sugan qaybo badan oo ka mid ah Gobalka Gedo ayaa hadana weli waxaa jirta weeraro iyo Qaraxyo ay Al Shabaab ka fuliyaan gobalkaasi.