Sarkaal Itoobiyaan ah oo xoog ku haysta guri uu leeyahay Muwaadin Somaliyed oo Magaalada Garowe ku yaalla

0

Sarkaal ka tirsan xubnaha ka howgala Qunsuliyada Itoobiya ay ku leedahay Magaalada Garowe, ayaa wuxuu si xoog ku haystaa guri uu leeyahay muwaadin Somaliyed, kaasi oo ku yaal Magaalada Garowe.

Gurigan waxaa iska leh Duqii hore ee Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Col. Siciid Cabdi Faarax, wuxuuna sheegay muwaadinkaan in ninka degan guri uu yahay Sarkaalka dhanka Millateriga u qaabilsan Qunsuliyada Itoobiya ee Magaalada Garowe.

Markii uu degaayay Sarkaalkaan ayaa wuxuu sheegay inay ku heshiiyeen kolkii guri loo baahdo inuu ka guuraayo, balse arintaasi uu ka baxay oo uu iska indha tiray.

Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo Col.Siciid Cabdi Faarax oo la hadlay Idaacada Daljir ee deeganada Puntland ayaa sidan yiri.

“Adeer guriga aan ka hadlaayo waa guri aan leeyahay oo ku yaalo Degmada Garowe, Xaafada Agoosto Magaceyga waa Siciid Cabdi Faarax Duqii hore ee Gaalkacyo, waxaa degan guri nin ka mid ah kuwa Qunsuliyada jooga oo dhanka Safaarada u qaabilsan arimaha Millateriga, Gurigaasi muddo ayuu deganaa aniga dalka waan ka maqnaa, qoladii deganeyd ayaa ka kireysay markaan dalka ku soo noqday Gaalkacyo ayaan shaqo u aaday kadib markii aan Garowe u soo guuray ayaan ku iri hala ii baneeyo, maadaama heshiiskii uu sidaasi ahaa.” Ayuu yiri Duqii hore ee Gaalkacyo.

Siciid Cabdi Faarax ayaa sheegay arinta guriga ku saabsan inay soo farageliyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, isaga oo u sheegay inuu u baahan yahay gurigiisa.

Wuxuu sheegay muddo kadib Sarkaalka Itoobiyaanka inuu u sheegay guriga inuusan ka baxeyn, sidaasina ay ku amreen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, taasi oo uu sheegay inay tahay arin xaqdaro ah, maadaama guriga uusan laheyn Maamulka, balse si shaqsi ah uu u leeyahay.

Duqii hore ee Gaalkacyo ayaa sheegay in uu Wasaarado badan oo Puntland iyo Maxkamada sare u maray sidii uu gurigiisa ku heli lahaa balse aysan arrintiisa waxba ka qaban.

Arintaan ayaa muujinaysa sida Masuuliyiinta Somalida aysan uga daba hadli karin falalka guracan ee ay sameeyaan Saraakiisha Itoobiya ee Somaliya ku sugan.