Siduu ku ogaan karaa qofka in uu dhiman rabo? Qormo Cajiib Ah In Badana Kaa Yaabin Doonto..!!

0

Siduu ku ogaan karaa qofka in uu dhiman rabo?

Dhimashada waa arin jirta oo dhab ah oo la rabo qof walba oo aduunka ku nool in uu u diyaar garoobo,sababtoo ah qof ku waaraaya aduunyadan ma jirto maalin uun ayuu dhimanayaa.

Waqtiga hadda aan noolnahay dadka ugu da,da dheer waxa ay gaaraan 120-150 sano,haddii kale waxaa ay aadanaha dhintaan iyaga oon boqol sano gaarin. in kastoo waqtiga la dhimanaayo uu ilaahey subxaanahuu watacaalaa kaligiis garanaayo.

Baaritaano lagu sameeyay bani aadamka qarniyadii ugu danbeeyay ee la soo dhaafay ayaa dadka marka ay da,dooda weynaato haddii calaamadahan soo socda lagu arko waxaa soo dhaw dhimashadooda,hadaba maxay yihiin calaamadaha ruuxa isku arkaayo inta uusan dhimanin ka hor taas oo uu ku ogaan karo in dhimashadiisa ay soo dhawdahay.

1- wuxuu dareemayaa qofka in uu si aad ah ugu baahanyahay reerkiisa in uu ku dhex jiro mar walba, mana jecla in uu ka dhex baxo ,si ka badan sidii hore oo uu dareemo in la,aantooda uusan noolaan karin,baahi badan ayuu u qabaa reerkiisa.

2- wuxuu la hishiiyaa dadka dhan kuwa ay wax dhex mareen iyo kuwa kaleba asaga oo cafis weydiista ruux kasta uu la kulmo.