Soomaaliya oo lacag cusub daabacanaysa sanadka soo socda

0

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa inay bilowga sanadka soo socda daabacdo lacag cusub oo dalku yeelan doono, sida ay qortay Bloomberg.

Hey’adda IMF ayaa dowladda ka caawin doonta sidii ay ugu suuragalin laheyd daabicista lacag badasha midda u badan bugta iyo duugga, oo aanay dowladdu soo saarin, sida uu Kenyan Capital u sheegay Bashiir Ciise Ali, guddoomiyaha bangiga dhexe ee dalka.

“Dhaqaalaha dalka wuu doollaroobay; dadka saboolka ah iyo kuwa ku nool meelaha fogfog ee ka baxsan magaalooyinkana ma awoodaan inay helaan Doollar,” ayuu yiri Bashir. ” Waxay badi ka faa’iideysan karaan lacagta shilin Soomaaliga ah.”

Ganacsiga iyo dhaqaalaha Soomaaliya ayaa hadba heer kusoo gebi-dhacleynayay – iyada oo uusan jirin bangi dhexe oo daboola baahida lacag cusub iyo baddalka tan duugowday.

In-kasta oo bangiga dhexe uusan laheyn keyd ku filan, hadana Bashiir wuxuu sheegayaa inay wax ku dhow 1.5 bilion oo Dollar ay xawaaladuhu soo galiyaan dalka sanad kasta.

“Helista lacag cusub oo loo daabaco waxay faa’iido u tahay dhaqaalaha iyo hab-sami u socodka howlaha dowladnimada,” ayuu yiri. “Waxay kaloo heybad u leedahay sumcadda dalkeenna.”