Sow danbi weyn ma’ahan in la kala dhantaalo midnimada iyo wadajirka dalka ?

0

Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo arin aad ugu muhiimsan Umadda Soomaalida iyo kiyaankooda, Taasi oo danbiga ka dhashana ay yareysanayaan waxan loogu yeero siyaasiyiinta, Balse aan Anigu ugu yeero gacmo-gumeysi, Kuwaasi oo maalin walba faraha kula jira waxyaabo dhaawacayo midnimada iyo madaxbanaanida Wadanka. Hadabo, sow danbi weyn ma’ahan in la kala dhantaalo midnimada iyo wadajirka dalka ?

Inta aanan ka jawaabin su’aashaasi, aan bal marka hore waxooga ka waramo waxyaabaha ay maalmahani samaynayaan haraadiga Jahbaddii SNM iyo taageerayaashooda, Kuwaasi oo maalmahan ku jiray wax ay ku sheegeen dabaaldegga 18 May. Taasi oo ay ku sheegeen in ay tahay maalintii ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, Waaba haddii laga aqbalee waxmagaratadaaasiye.

Sidan soo sheegayba, Waxaa maalmahani ka socday deegaanada uu maamulo maamulka Soomaliland iyo waliba meela kale oo Caalamka ku yaallo wax lagu sheegay dabaaldegga 18 May, Taasi oo ah maalintii uu Maamulkaasi ku dhawaaqay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, Halka maalintaasina looga yaqaano deegaanada uu matalo maamulka Khaatumo maalinta nadaafadda iyo waliba qashin gubista.

Maamulka Soomaaliland ee ay dhistay Jabhadii la oran jiray SNM ee beesha Isaaq, Ayaa waxa uu ku hadaaqayaa wax ayna gaari doonin waligood insha Alaah. Waxaasi oo ah kala jaridda dalkeenna Soomaaliya oo ay horay uga soo balanqaadeen itoobiya xiligii ay u adeegsaneyay burburinta dowladdii ka jirtay Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Aalaha u naxariistee Jen. Maxamed Siyaad Barre.

Nimankani (taageerayaasha SNM) ayaa ku andacoonayo taariikh been ah oo aan ka tarjumeynin xaqaa’iqa taariikheed, Taasi oo ah in Waqooyigu uu ahaa dal dhisan, gaar ahaan xilligii uu la midoobayey Koonfurta Soomaaliya. Doodda caynkan, Ayaa ah mid ay had iyo jeer ku doodaan Siyaasiyiinta SNM-ta. Tusaale ahaan, haddii Waqooyigu uu ahaa dal dhisan oo madaxbanaan, Hadaba muxuu ahaa calankiisa iyo astaanta dowladdiisa ? Dowladise ma ka jirtay Waqooyiga ka hor Gumeystayaashii reer Yurub ?

Marka aad dhegeysato doodaha ay ku doodaan taageerayaasha SNM oo hadda la baxay Soomaaliland, Waxaa runtii kuu soo baxaysa in doodahoodu ay yihiin kuwa raqiis ah oo aan ku taagneyn macluumaad sax ah. Tusaale ahaan, Waxad arkaysaa Iyagoo ku doodayo in ay cadaaladdarro ku qasabtay in ay ku dhawaaqaan gooni-isutaagga, Halka macluumaadka aan haynana uu sheegayo in gooni-isutaaggu uu ahaa shardi ku xirnaa kaalmadii Itoobiya sida uu qirayba Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf.

Haddii aad cadaaladdarro ka dagaalantay, Maxaad maanta Adigu u samayneysaa cadaaladdaradii aad ka dagaalantay ? Maxaad u layneysaa Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag ee ka soo horjeeda aragtidiina guracan ? Maxaadse u qasbeysaan beelaha Dhulbahante, Warsangali iyo Gudabiirse oo aan shaqo ku lahayn dhismihii jabhaddii SNM iyo waliba ujeedooyinkii loo dhiseyba ? Sow horay looma oran dulmi diidow ha noqonin dulmi doone !

Haddii aan dib ugu soo laabto su’aasha qormadeyda ah: Sow danbi weyn ma’ahan in la kala dhantaalo midnimada iyo wadajirka dalka iyo waliba kan Umadda Soomaaliyeed ? Jawaabtu waxaan leenahay haa waa danbi weyn, Anagoo sababeyn doonno dooddeenna, Islamarkaana u keeni doonno daliil Sharci iyo waliba mid caqli ah.

Walaalayaal, Waa danbi weyn runtii in la kala dhantaalo midnimada iyo wadajirka dalka, Maxaa yeelay waa marka hore Ilaahay ayaa amray in ay midoobaan dadka muslimiinta ah oo ay Soomaaliduna ku jirto. Waa marka labaade, Waxaa amray Nabigeenna (SCW). Waa mar sedexaade, Waxaa midnimada ku dardaarmay Awoowayaasheenni hore. Waa marka afaraade waxaa midnimada farayo caliga saliimka ah ee ka fiyow balwadda iyo qabyaaladda xaqiirka ah.

Arimahan afarta ah ee aannu soo sheegnay iyo waliba kuwa kale oo lagu darayba, Waxa ay tilmaamayaan in ay danbi weyn tahay in la kala dhantaalo midnimada iyo wadajirka Umadda Soomaalida iyo Kiyaankooda. Sidee walaalow u kala dhanataaleysaa midnimadaada, Iyadoo tirada dadkaagu aysan ka badneyn 15.000.000 oo qof, Halka ay dhinaca kalena kugu hareeraysan yihiin labo dal (Itoobiya iyo Kenya) oo tirada dadkoodu ay ka badan tahay 138.000.000 oo qof ?!

Sidee ugu fikireysaa haddii aad caqli iyo garasho leedahay inaad sii kala qeybiso intii yareyd ee gacanta lagu hayey ? Sow ma ogid in maanta Caalamka uu kugu qadarinayo hadba tirada dad ee aad haysato ? Sowse ma ogid in maanta dalba inta uu dalka kale ka dhul weyn yahay uu ka fursad badan yahay ? Ma la socotaase qadarinta loo hayo dalalka ay ka mid yihiin Jayna (chine), Maraykan, Ruush, Maksiko, Hindiya, Turki, Bakistaan, Masar iyo Nayjeeriya in ay ka timid tirada dadkooda ?

War lama socotaan miyaa waxa ay diintiinu ka tiraahday midnimada iyo wadajirka ? War sow ma tihiin dad muslimiin ah oo aqriya qu’raanka iyo axaadiista Rasuulkiina Salalaahu Calayhi Wasalam. War ma daraaseysaan miyaa taariikhda iyo dhacdooyinka dunida ? War maxaad u arki la’dihiin waxa ay suugaanta iyo xikmadda Soomaalidu ka tiraahday midnimada iyo wadajirka ?

Tan kale, Haddii aad wax tabaneyso sow ma’ahan inaad Umadda Soomaaliyeed u soo bandhigto waxa aad tabaneyso iyo cidda aad ka tabaneyso, Adigoo waliba u marayo waddo wanaagsan oo silmi ah, si loo ilaaliyo midnimada iyo walaalnimada ka dhaxeysa Umadda Soomaalida ah. Mase kale saari kartaa marka aad wax ka tabaneyso maamul dalka soo maray iyo Umadda aad ka dhalatay ?

Aqristow dadku mo oga miyaa in dalkani yahay dhaxal-awoowe oo ka dhaxeeya dhammaan dadka Soomaalida xitta midka aan wali dhalan ? War ma oga miyaa in dadkani ay haystaan nimo ay yar tahay cid haysata Dunidan ? War yaa maanta haysta dad isku diin, isku dhaqan iyo waliba isku luuqad ah ? War yaa maanta haysta badda aad aragteen dhirarkeeda iyo waliba dhulka ballaaran ee ku haboon beerashada ? Yaa kariim, Yaa kariim !

Walaalayaal, Waxaa waayadan soobaxay niman Soomaali ah oo sheeegta siyaasiyiin balse aan Anigu u bixiyey gacmo-shisheeye, Kuwaasi oo maalin walbo garaac iyo burburin la dultaagan muqadasaadkii Umadda sida diinta, midnimada (oo isugu jirta dhul iyo dad), luuqadda iyo waliba dhaqanka wanaagsan ee aannu ka dhaxalnay awoowayaasheenii kheyrka badnaa raxmatullaahi calayhim.

Wey adag tahay runtii inaan sii daawanno kuwa maalin walba ku hadaaqayo riyo-maalmeedka beenta ah ee oranayo waxaan kala jaraynaa dalka Soomaaliya, Waxaana leenahay kuwaasi hayhaata hayhaat inaad Soomaaliya kala jartaan xittaa haddii aad soo adeegsataan kuwa la idinka celin la’yahay daba-orodkooda ee ay Itoobiya ka mid tahay. Tan kale, Sow Soomaali horay uma oran sagaaro ma leh tun la kala qalo ? Waxaa maxay waxaan la leeyahay waxbaa la kala jarayaa ?

Waxaa sidoo kale nagu adag inaan sii daawanno kuwa sheegta in ay hogaamiyan Dowladda Federaalka oo ay shaqadoodu ay noqotay hoosaasin iyo lugooyo joogta ah. Waxaana leenahay kuwaasi : Haddii ay waxyar soo gaarto midnimada iyo wadajirka dalka, Waxaad sugtaanba waa maxkamad Islaami ah. Waan ku celinayaa mar kale, Wallaahi oo Billaah oo Tallaahi ninkii iskudayo in uu waxyar u dhimo midnimada Umadda Soomaalida iyo Kiyaankooda waxaa la soo taagi doonaa maxkamad aan u naxariisan doonin.

Markan hadalka soo uruuriyo, Walaalayaal ma jiro runtii danbi ka weyn bal ka foolxun in la kala dhantaalo midnimada iyo wadajirka Umadda Soomaalida iyo kiyaankooda, Waana sababataasi sababta igu qasabtay inaan qormadan qoro, Islamarkaana u digo kuwa waxmagaradka ah ee ku hadaaqayo sheeko-baraleyda ay soo abaabushay Itoobiya iyo waliba kuwa ay u adeegsata mashruuceeda guracan ee ay balwaddu dilootay. Waxaan leenahay kuwaasi Please dib u fikira hadaad Soomaali tihiin.

Gabagabadii iyo gunaanudkii, Waxaan soo jeedinayaa talooyinka dhowr ah oo aan isleeyahay, Waxa ay kaabayaan dulucda qormadeenna iyo waliba hadafkii aan qalinka u qaadanay ee nagu qasbay inaan qormadan qorno. Waxaana talooyinkaasi ka mid ah kuwa soo socda:-
1-In la adkeeyo midnimada iyo wadajirka dalka maadaama ay midnimadu tahay sharaf iyo xoog wada socda.

2-In qaab kasta loo taageero dadka u taagan midnimada sida dadka ka soo jeeda gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag.

3- In qadarinta deegaanadaasi la siiyo dadka u taagan wadjirka maadaama taageerayaasha SNM-tu ay fulinayaan qorshaha Itoobiya.

4- In la dhiso maxkamad Islaami oo la saaro cid kasta oo u ololeysa in dalkan la kala jaro.

5- In lala hadlo Culimada, Aqooyahanka iyo waliba Waxgaradka beesha Isaaq, Islamarkaana loo sheego waxa ka dhalan kara sheeko-baraleyda ay ku riyoonayaan taageerayaasha SNM ee hadda la baxay maamulka Soomaaliland.

Xusuusin: Qormadeyda danbe, Waxa aan kaga hadli doonaa sida loo taageeri karo dadaalada ay wadaan Waxgaradka beelaha Gudubiirse, Dhulbante iyo waliba Warsangeli ee ku aadan sida loo fashil karo damaca taageerayaasha SNM ee u raran gumeysiga Itoobiya.

W/Q: Maxamed Ibrahim (RAGOW)
Al-aafix1960@hotmail.com