TOOS U DHAGEYSO:- Somaliland oo ka hadashay Masuulka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku bedelay Ceydiid Ilka-xanaf

0

Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadleen Ibraahim Iidle Suleymaan oo madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka.

Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa inta aan loo magacaabin Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka ayaa waxa uu iska casilay Garyaqaanka Guud ee maamulka Soomaaliland oo uu hayey muddo ku dhow 5 sano.

Maxamed Muuse Diiriye oo wasiiru dowlaha maamulka Soomaaliland oo ka hadlay arintan ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliland ay micno gaar ah usameyneyso hada ka dibna arimahan oo kale ka fiirsan doonto.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan xafiiskiisa warqad Degreeto ah ka soo baxday ayaa waxaa xilka looga qaaday gudoomiyahii Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid C/laahi Ilka-xanaf, waxaana xilkaasi loo magacaabay Ibraahim Iidle Suleymaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO