TOOS U DHAGEYSO:- Waxgarad cadeeyay in uusan maamulka Gobolka Hiiraan ka qeyb qaadanta xallinta Dagaalkii Baladweyne

0

Odayaal iyo Waxgarad kulan ku yeeshay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiran iyagoo ka wada hadlay dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaal beeleedkii Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku dhintay illaa iyo 30 qof oo rayid ay ka mid ahaayeen.

Nabadoon Cabdi Ibraahim Aadan oo ah mid ka mid ah Odayaasha beelaha ku dagaalamay Magaalada Baladweyne ayaa xaqiijiyay in aysan kaalin ku lahayn maamulka Gobolka Hiiraan heshiiska beelaha dagaalamay.

Hase ahaatee sida Nabadoonka uu cadeeyay waxaa heshiiska ka shaqeeyay mid ka mid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan oo gogol nabadeed u fidisay.

Gobolka Hiiraan ayaa indhawaanahaan waxaa ka jirtay shaqaaqo u dhexeysay beelo walaalo ah oo wada dega Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyne.

HALKAAN KA DHAGEYSO