TOOS U DHAGEYSO:- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Xoog looga saaray Magaalada Baled-xaawo

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay ka taagan tahay Xiisad u dhexeysa  Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland C/rashiid Janan iyo Xildhibaan C/fitaax Nuur Mataan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamo Taabacsan C/rashiid Janan ay Magaalada ka saareen Xildhibaan C/fitaax Nuur Mataan,kuwaas oo la geeyay Duleedka Magaalada.

Magaalada ayaa waxaa jara  Maanta Xiisad Colaadeed,iyadoo Dadku ay ka Cabsi qabaan inuu Dagaal halkaa ka dhaco,inkastoo Odayaasha Dhaqanka ay ku dadaalayaan xalinta Arrintas.

HALKAAN KA DHAGEYSO