TOOS U DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo Saxaafada u digtay+Warar been abuur lagu sheegay oo la isku heysto

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaan marnaba loo dulqaadan doonin in hey’adaha kala duwan ee dhanka amniga ay jirdil ugeystaan dadka Maxaabiista ah inta lagu guda jiro baaritaanada la xiriira waxyaabaha tuhunada ah ee loo heysto dadkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda amniga dowladda Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri ayaa saxaafada usheegay in arimahaasi ay noqon karaan kuwo iska horkeenaya bulshada iyo dowladda, isagoo sheegay inaan marnaba loo dulqaadan doonin qof muwaadin Soomaaliyeed in dhibaato loo geysto xilli baaritaano ay ku socdaan.

Hadalka ka soo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli shalay wasaaradda amniga ay ku dhawaaqday saraakiil ka tirsan dambi baarista hey’adda Nabad Sugidda in shaqadii laga fariisiyay kadib tuhuno ku aadan in ay jirdil ugeysteen Maxaabiis ay gacanta ku hayeen.

HALKAAN KA DHAGEYSO