TOP DHAGEYSO: Culimada Soomaaliyeed oo gudoomiyaha cusub ugu baaqday in uu isbedel ku sameeyo Garsoorka

0

Afhayeenka hey’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa dardaaran waxa uu ujeediyay gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan.

Waxaana uu kula dardaarmay in uu si wanaagsan uu shaqadiisa uguto, iyadoo uu sheegay in shacabka ay dhowaanahan cabashooyin iyo waxyaabo kale ay kaga cabanayeen Maxkamadda Sare ee dalka.

Hey’adaha garsoorka dalka ayaa waxaa lagu eedeeyay in aysan si wanaagsan ula macaamilin shacabka oo cadaalad daro ay ka jirtay Maxkamadda Sare.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan xafiiskiisa warqad Degreeto ah ka soo baxday ayaa waxaa xilka looga qaaday gudoomiyahii Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid C/laahi Ilka-xanaf, waxaana xilkaasi loo magacaabay Ibraahim Iidle Suleymaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO