TOP DHAGEYSO:- Jabuuti oo sheegtay xaalad adag in ay ku jiraan shacabka Beledweyne

0

Safiirka dalka Jabuuti ufadhiya dalka Soomaaliya Dayyib Dubad Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka hadlay Deeq gar gaar ah oo ay gaarsiiyeen dadka uu ku soo fatahay Wabiga Shabeelle.

Gar gaarka la gaarsiiyay shacabka Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka mid ah Bustooyin, Marooyinka Kaneecada iyo waxyaabo kale.

Waxa uu sheegay safiirka in dowladd Jabuuti ay marwalba garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo sheegay in Jabuuti ay ku dadaasho sidii xilli walba ay garab usiin laheyd Soomaaliya.

Dayib Dubad Rooble ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka Beledweyne ay ubaahan yihiin gar gaar deg deg ah oo la doonayo in cid walba ay garab ka geysato sidii dadkaas loogu gurman lahaa.

Shalay ayay aheyd markii wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo dalka Jabuuti ay gaareen magaalada Beledweyne waxaana ay halkaasi ugaareen sidii ay usoo indha idheyn lahaayeen xaalada dhabta ah ee ka jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

HALKAAN KA DHAGEYSO