TOP DHAGEYSO:- Madaweynaha Soomaaliya oo dalacsiiyay Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Digreeto ka soo baxday Xafiiskiisa ku dalacsiiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka Sida General Liibaan Cali Yaroow oo markii hore Darajadiisa Ciidan ay aheyd G/Sare.

Sidoo Kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalacsiiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo Darajadiisu hore ay aheyd G/Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa ku amaanay Labada Sarkaal ee ugu Sareeya Maxkamadda ciidamada Daacad iyo Howlkarnimo, taas oo suurata galisay in dardar ay ku socoto howlaha Maxkamadda ciidamada.

Shalay ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya xilka looga qaaday gudoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid Ilka-xanaf.

HALKAAN KA DHAGEYSO