TOP DHAGEYSO:- Madaxweynaha “Weli way socdaan wadatashiyada Doorashada 2016”

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wali ay socdaan wadatashiga looga arinsanayo isbedelka iyo waliba Doorashada la filayo sanadkan in ay ka qabsoonto dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay hogaamiyaasha Soomaalida in looga baahan yahay in ay is ixtiraamaan sidoo kalena tanaasul ay muujiyaan.

Waxa uu sheegay in hada talada dalka ay utaalo hogaanka Soomaalida, isagoo in aan wax faragalin ah lagu sameyn doonin dalka hadii Madaxda Soomaalida ay isku tanaasulaan.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa horey waxa ay heshiis kaga gaareen doorashada la filayo in sanadkan au dalka ka dhacdo, waxaana arintaasi loo gudbiyay Mudanayaasha Baarlamaanka kuwaas oo wax ka bedel ku sameeyay.

Ugu dambeyntiina Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heer Madaxweyne ku meel mariyay heshiiska horey loo gaaray ee ku aadan hanaanka Doorasho ee la filayo in ay sanadkan dalka ka dhacdo.

HALKAAN KA DHAGEYSO