TOP DHAGEYSO:- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo si Kulul u sheegay Cidda hagar daamada ku wada Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Maxamed (Farmaajo) ayaa  ururka Al -Shabaab ku eedeeyay inay hor taagan yihiin Mustaqbalka Somaliya iyo in ay Soomaaliya gaarto nabad iyo baraare.

Farmaajo ayaa qiray maalgashi ballaaran oo dalka lagu sameeyo uu waxbadan ka badalayo  dhaqaalaha iyo hormarka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya Maxamed Cabdullaahi  Maxamed ayaa Shabaab ku eedeeyey in caqabad ku yihiin kobaca dhaqaalaha iyo nabada Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay Shabaab in ay u taagan yihiin inay laayaan shacabka Somaliyed kuwa dibada ka imaanaya iyo kuwa dalka ku sugan intaba, isaga oo sheegay hadii aanan Shabaab la iska qaban inuusan dalka horumar gaareyn.

Shacabka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay kalsooni u muujiyaan dowladda hada jirta ,islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka.

HALKAAN KA DHAGEYSO