TOP DHAGEYSO: Xukuumadda oo faah faahin ka bixisay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab

0

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa warbixin ku aadan howlgallada ka dhanka ah ururka Al-shabaab waxa ay ka siisay golaha wasiirada ee dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ka qeyb galayay kulanka ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaano iyo tuulooyin ay horey umaamulayeen ururka Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in howlaglladan ujeedkooda ugu weyn uu yahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ka joogaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya C/salaan Caato ayaa golaha wasiirada ka hor aqriyay.

Shalay ayay aheyd markii deegaano iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO