TOP DHAGEYSO+SAWIRRO:- Faah faahin laga helayo Hub iyo dadkii watay oo Yaaqshiid laga soo qabtay

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Waxaana ay ku soo qabteen Hub iyo dadkii watay oo ku sugnaa guri ku yaal degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal saakay ay ciidamada NISA ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ay ku soo qabteen hub isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa culus oo yaalay guri ay dagnaayeen 4 qof oo isku Qoys ah.

Dadka la soo qabtay ayaa waxaa lagu soo bandhigay godka Jilacow waxaana ay ka koobnaayeen Hooyo iyo 3 Dhalinyaro ah oo ay dhashay 2 kamid ah ay Wiilal yihiin halka mida kalena ay tahay Gabar.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkan horey loogu raad joogay, ciidamada Nabad sugiddana ay joogteyn doonaan howlgallada.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan waxa ay howlgallo ka dhan Al-shabaab ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO

1 2 3