TOP:- Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya maxay ka yiraahdeen Go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh ?

0

Golaha Wasiirada ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ammaanka Guud ee dalka, Fatahaadda Wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Daa’uud Maxamed, ayaa ka warbixiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee Amaanka Guud ee dalka, waxaana uu sheegay in laamaha amnigu in ay qaadeen tallaabooyin lagu sugayo amniga Caasimadda iyo gobollada dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixiyey dhibaatooyinka xilligaan haysta shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ka dhashay fatahaada uu sameeyay wabiga shabeelle qaybta uu ka maro gobolka Hiiraan.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada C/laahi Bile Nuur ayaa tilmaamay in maalinta sabtida ah ee soo socota ay bilaaban doonaan Imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ee dalka, waxana ay wasaaraddu sheegtay dhammaan daladaha ka jira dalka iyo Wasaaraddu in ay ku mideysan yihiin Imtixaanka.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee (Gender), waxaana golaha warbixin ka siisay Wasiirka Haweenka iyo Horrumarinta Xuquuqul Insaanka Sahro Maxamed Cali Samatar oo sheegtay in sharcigani muhiimad gaar ah u leeyahay ilaalinta xuquuqda Haweenka.

Sidoo kale, golaha Wasiirada ayaa ka dooday soo jeedin ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo aheyd in xubnaha kala ah Yuusuf Garaad Cumar, Mudane Cabdiwahaab Macallin Maxamed Xaaji Aadan, Cabdi Aadan Diiriye in loo magacaabo safiiro, dood dheer kadib, golaha Wasiirada ayaa ansixiyay in loo magacaabo Safiiro buuxa.

Ugu danbeyn, Golaha ayaa si weyn u soo dhaweeyey Xeerkii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu ku meel mariyay hannaanka doorashada dadban ee sannadkan 2016-ka dhacaysa dalka.