TOP:- Maamulka Jubaland iyo Kenya oo ka wada hadlay xiritaanka Xeryahah Dhadhaab

0

Xubno ka socda Guddiga Difaaca Baarlamaanka ee Dowladda Kenya ayaa kulamo looga hadlayay xeritaanka xeryaha Qaxootiga Dhadhaab waxey la qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubland.

Ndung’u Gethnji, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Kenya ayaa Madaxda Maamulka Jubaland waxuu kala hadlay sidii Degaanada Maamulka Jubland dib loogu soo celin la haa Qaxooti badan oo ku jira Xerada ugu weyn Aduunka ee Dhadhaab.

Xerada Qaxootiga Dhadhaab ayaa %80 Qaxootiga ku nool waxaa lag sheegay in ay ka soo jeedaan Degaanada Maamulka Jubaland.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa mid Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe looga dhaadhicinayay sidii ay dib u dejin ugu sameyn la haayeen Qaxootiga uga sugan Xeryaha Dhadhaab.

Shalay ayee aheyd markii Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Kenya, William Ruto difaacay xeritaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Waqooyi Bari Dalka Kenya.