DHAGEYSO WAREYSI:- Abaanduulaha Xooga Dalka Soomaaliya oo Faahfaahin Ka bixiyay Howlgalka Sh/Dhexe

0

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreye Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji oo horkacaya howlgal ciidamada ay ka wadaan deegaanada fara kutirsaka ah ee Al-shabaab ay kaga harsanyihiin gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in ciidamada ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanno iyo tuulooyin hoostaga degmada Cadale ee Gobalka Sh/dhexe.

Abaanduulaha ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ku sheegay in Howlgalka hadda Socda ay qaadeen Ciidanka Xoogga dalka isla markaana aysan qeyb ka aheyn Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM marka laga reebo talooyinka iyo farsamada uu ku duulayo ciidanka Xoogga.

“Ciidanka Diyaargaroow ayuu waday maalmihii lasoo dhaafay, waxa ay dib ugu laabteen deegaanada Ruun-nirgood,Masaajid Caligaduud, majirin wax iska caabin ah aan kala kulnay, howlgalkuna wuu sii soconayaa inta laga saarayo maleeshiyaadka 9-kii sano ee la soo dhaafay boobka iyo go’doonka galiyay dadka ku nool gobalka horay ayaana u socon doona illaa aan isku furno gobalada dalka”.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in aysan Gacmaha ka laaban doonin boobka,dhaca iyo hagar-daamada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in cabsida ay ka saarayaan dadka maatida ah ee dhibka ku reebeen kooxaha nafla-caariga ah ee Al-shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO

Abaanduulaha