Top News: Al Shabaab Oo Xalay Weeraray Fariisin Ciidamada Dowladda Ku Lahaayeen Degmada Ceelwaaq iyo Shabaab Oo Si Xun.

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in xalay maleeshiyaadka falaagada Al Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisin ciidanka Dowladda Soomaaliya ku lahaayeen degmada Ceelwaaq.

Warkan ayaa intaaasi waxa uu ku darayaa in Al Shabaab weerar gaadmo ah ay ku qaadeen fiirin ciidamada Dowladda Soomaaliya ku lahaayeen degmada Ceelwaaq halkaasina uu ka dhacay dagaal faraha looga gubtay.

Weerarkan ayaa maleeshiyada Al Shabaab waxaa looga dilay lix ka tirsanaa maleeshiyadooda, halka ay qaar kale oo badana ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, sidoo kale maleeshiyada Al shabaab ayaa dagaalkan xalay looga furtay lix qori.

Dhanka ciidamada Dowladda ayaa waxaa wararka nasoo gaaraya sheegayaan in ay ka dhaawacmeen sadex ruux.

Dhinaca kale Ciidamada dowladda ee xalay sida adag ula dagaalamay maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa habo yaraato’e wax gurmad ah ka helin ciidamada AMISOM iyo dowladda Soomaaliya, marka laga reebo dadka shacabka ah ee ku nool degmada Ceelwaaq.

Isku soo wada duuboo ma ay ahan markii ugu horeeysay ee maleeshiyaadka Al Shabaab weeerar gaadmo ah ku qaadaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, balse waa markii ugu horeeysay ee ciidamada dowlada aan gurmad dhaqaale iyo mid saanadba ka heysan ay si adag iskaga caabiyaan maleeshiyaadka Al Shabaab.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media