TOP NEWS:- Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ka yeelanaya xilka qaadistii uu sameeyay Madaxweynaha

0

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeelanayaan xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka xildhibnaada ay yeelanayaan ayaa lagu sheegay in uu yahay mid gaar ah oo deg deg ah, waxaana ay ugu hadlayaan xilka qaadistii shalay madaxweynaha Soomaaliya uu ku sameeyay Ceydiid Ilka-xanaf, iyadoo xilkaasina uu u magaacabay Ibraahim Iidle Suleymaan oo ha gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka.

Ibraahim Iidle Suleymaan gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka ayaa horey u soo noqday Garyaqaanka Guud ee maamulka Soomaaliland.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay waxa ay kulan ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka, iyadoo ay kaga doodeen hanaanka doorasho ee dalka 2016.