TOP NEWS:- Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay Dib u dhis lagu sameynaayo Ciidamada

0

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqday in dibu eegis guud lagu sameynayo qaab dhismeedka ciidamada Puntland oo dhan, isla markaasna la tiro koobi doono, iyadoo loo dhameystiri doono agabyada ay u baahan yihiin si loo helo ciidanka rasmiga ah ee Puntland leedahay.

Madaxweyne Gaas oo la hadlayey xubnaha gollaha Xukuumada goor dhaw oo ay shir ku yeesheen Aqalka madaxtooyada Boosaaso ayuu ku sheegay in ay lama huraan ay tahay in la dardargaliyo qorshahan.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo Ilaalada laga hayo dhulka xeebaha ee Puntland, ayna waajib tahay in subax kasta lasoo gudbiyo xogaha la xariira ciidamada.

“ Go’aankan waxay u gaartay dawladdu si ciidamada loogu diyaariyo marxalad kasta oo soo wajahda dalka sidii ay jawaab deg deg ah uga bixin lahaayeen, taas oo kamid ah Waajibaadka ciidamadu u xilsaaran yihiin” ayaa lagu yiri War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in uu Madaxweyne Gaas go’aamiyey maanta in ciidamada Puntland oo dhan isku dhafo, isla markaasna laga gudbo ciidamada Taliye kasta si madax banaan u maamulo, isla markaasna loogu magac daro, oo la yiraahdo ciidanka Taliye Hebel, una muuqdaan ciidan ka turjumi kara Sumcadda dawladda Puntland.

Talaabada cusub ee dib loogu eegayo ciidamada dawladda Puntland ayaa ku soo beegmay, iyadoo saaka qorshahaas oo la bilaabay uu ka dhacay iska horimaad dhexmaray Ilaalada Taliyaasha Booliska & Birmadka ee Puntland, sababeyna dhaawaca Wasiirkii Amniga Puntland iyo dhimashada Taliye kuxigeenkii ciidamada Birmadka Puntland.