TOP NEWS:- Madaxweynaha Galmudug oo sheegay ammaanka Somaliya iyo Itoobiya inuu isku xiran yahay

0

C/kariin Xuseen Guuled Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa si cad u sheegay inay isku xiran yihiin ammaanka dalalka Itoobiya iyo Somaliya.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Guuled wuxuu ka sheegay Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya, isaga oo cadeeyay, hadii aanan Somaliya ammaan laga helin in Itoobiya aysan noqoneyn ammaan.

Labada dal ayuu sheegay inay jaar yihiin, islamarkaana ay isku xiran yihiin Nabadda iyo horumarada kala duwan ee shacabka labada Dowladood ay tiigsanayaan.

“Waxaa xaqiiqo ah hadii aanan Somaliya Nabad laga helin Itoobiya nabad ma noqonayso, hadii aanan Itoobiya nabad laga helin Somaliya nabad ma noqonayso, waa laba dal oo deris ah oo nabadooda iyo horumarkooda ay isku xiran yihiin.” Ayuu yiri Madaxweyne Guuled.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay shacabka Somaliyed in laga doonaayo inay ku daydaan Bulshada reer Jigjiga oo si weyn kaga qayb qaatay horumarada kala duwan ee Ismaamulkaasi ka jira.

“Shacabka Somaliyed waxaa laga doonayaa inay ku daydaan Bulshada reer Jigjiga oo kale oo ay ka qayb qaataan horumarka, runtii horumarka meel dheer ma jiro waqti badana qaadan maayo.” Ayuu yiri Guuled.

Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan Magaalada Jigjiga ayaa halkaasi u jooga wada hadal uu la leeyahay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya si uu kala hadlo dagaaladii ka dhacay deeganada xuduuda.