TOP NEWS:- Xaalada Ceelwaaq oo saakay degan kadib dagaalo ka dhacay

0

Waararka inaga soo gaaraya saakay degmada Ceelwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.

Degmada Ceelwaaq ayaa shalay ilaa iyo xalay waxaa ku dagaalamay ciidamada dowladda iyo Ururka Al-shabaab, waxaana dagaaladaasi ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilo madax banaan oo ku sugan Ceelwaaq ayaa Idaacadda Risaala usheegay in xalay markale dib uu uqarxay dagaal udhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-shabaab, balse saakay jawiga uu yahay mid degan.

Dhanka kale Gudoomiyaha degmada Ceelwaaq Sahal macalin Aadan oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalkii xalay socday uu joogsaday oo saakay xaaladu ay degan tahay.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, si looga saaro deegaanada iyoo tuulooyinka hoosyimaada Ceelwaaq.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay markale dib uga qarxay Ceelwaaq oo u udhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Sarkaal u hadlay ciidanka dowladda Soomaaliya oo hogaamineysa dagaalkan ayaa sheegay in ay dileen 8 dagaalyahano oo ka tirsan Al-shabaab.

War kooban oo Al-shabaab ay ku soo qoreen goobaha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka dileen Askar badan.