TOP NEWS:- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo horjeestay Heshiiskii Higsiga 2016

0

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ka dalbadeen in Ra’iisul Wasaaraha oo aan ka qeyb galeynin kulanka Golaha shacabka ay iyagu ka doodaan heshiiskii dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada si go’aan looga  gaaro heshiiskaas maadaama waqtiga uu yahay mid gabaabsi ah.

Hadalkaan ayuu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyadoo mar kale la filayay in Baarlamaanka uu hortago Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid  Cali Sharmarke si Xildhibaanada uu ugala niqaasho heshiiska oo uu ka dalbaday in ay meel mariyaan.

Xildhibaanada qaar ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca  ka qaaday in heshiiska Golaha Baarlamaanka la horgeeyay uu yahay mid qabyo ah oo uusan ku cadeen waqtiyada loo kala asteeyay doorashooyinka Baalamaaniga ah iyo mida madaxtinimo ee dalka sidaas daraadeed loo baahan yahay in heshiiskaas dib loogu noqdo si  loo soo cadeeyo.

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in ay halkeeda ay ka sii socoto ka doodista ajandaha Heshiiska Higsiga 2016 ee uu dhawaan Baarlamaanka horgeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya.