Top News:R/wasaare Cumar Cabdirashiid “Dalka Marxalad Adag Ayuu Ku Jiraa Dibed Baxya Ma Xamili Karo”.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Olole xoogan uu ka socdo magaalada Muqdisho ayaa haddana R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke waxaa uu digniin culus kasoo saaray qorsho ay Xildhibaanada BFS ku abaabulayaan dibad-baxyo ka dhan ah Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Koowaad Cumar C/rashiid ayaa sheegay in dhibta ka dhalankarta Abaabulkaasi ay ciqaabtiisa usoo laaban doonto Xildhibaanada faraha kula jira abaabulka.

Cumar Cabdirashiid waxa uu sheegay in dalka uu iminka ku jiro xaalad cakiran islamarkaana uusan xamili karin in abaabul dibad-baxyo uu dhaco.

Dhinaca kale R/wasaare Sharmaarke ayaa waxa uu sidoo kale digniino dhanka amaanka ah u diray Taliyayaasha iyo Saraakiisha laamaha amniga DFS, isaga oo kaga digay in la qabto banaan-baxyo aan lala soo socodsiin Dowlada, waxa uuna faray in shaqsigii howlo noocaasi ah ay ku arkaan ay jeelka dhigaan islamarkaana amarkaasi fulintiisa ay Taliyayaasha leeyihiin.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media