Top News+Sawirro:Madaxweynaha Jubbaland Oo Kulankii Ugu Horeeyay La Qaatay Golihiisa Wasiirada.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu markii ugu horeysay kulan la qaatay Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland oo Bishan gudaheeda la magacaabay.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo uu kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ay wehliyaan Kuxigeenkiisa koowaad iyo labaad intaba.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Golaha Wasiirada cusub, wuxuu u sheegay in laga doonaayo shaqooyin adag inay qabtaan oo ku aadan xilalka loo dhiibay.

Wuxuu sheegay muhiimada inay tahay Bulshada oo loogu adeego si cadaalad ah, iyadoo laga fogaanaayo eex iyo musuq maasuq lagu sameeyo shaqada loo haayo Bulshada.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland ayaa balan qaaday inay sameynayaan dadaal dheeri ah oo ku aadan shaqooyinka loo igmaday, islamarkaana ay la soo bixi doonaan dar dar cusub oo ku aadan hanaanka shaqada.

Isku soo wada duuboo Waxa kale oo ay sheegeen inay muhiim tahay in deeganada ka maqan gacanta maamulka Jubbaland la xureeyo si deeganadaasi loo gaarsiiyo adeegyada Maamulka iyo shaqooyinka kala duwan.

jub4

jub7

jub jub1 jub3 jub5 jub6

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media