Top News:Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay.

0

Mogadishu, 28 May 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha oo dhagax-dhigay Qeybtii Labaad ee Isbitaalka Sheikh Zayed ee Muqdisho, Ciidamada XDS oo horjooge Al-Shabaab ku dilay degmada Xudur, Ciidanka XDS oo gurmad gargaar bani’aadanimo u fidiyey shacabka Hiiraan, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe oo daah-furay mashaariic horumarineed, Madaxweynaha oo Waraaqihii Safiirnimo ka guddoomay Safiirka Uganda, Saraakiil Ciidamada XDS oo tababar loogu soo gabogabeeyey Sudan, Wadada Shaqaalaha ee Muqdisho oo la dayactirayo, Talyaaniga oo Qalab ciidan ku wareejiyey Booliiska Soomaaliyeed, Shirkad Ciraaqi ah oo dhiseysa Dekeda Hobyo ee GalMudug, Taliyaha Ciidanka Asluubta GalMudug oo la magacaabay iyo Ciidanka Booliiska oo loo soo xiray tababar ku aadan la shaqeynta shacabka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha oo dhagax-dhigay Qeybtii Labaad ee Isbitaalka Sheikh Zayed ee Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 21kii May 2016 dhagax dhigay qeybtii labaad ee dhismaha lagu ballaarinayo Isbitaalka Sheekh Zayed ee magaalada Muqdisho. Mashruucan ayaa waxaa maalgelintiisa iyo hirgelintiisaba ku deeqay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Dowladda Imaaraadka Carabata doorka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalka. Munaasabadda dhagax dhigga waxaa kale oo ka soo qeybgaley Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Al-Othman, diblomaasiyiinta dalalka shisheeye u fadhiya waddanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Soomaaliya.

Ciidamada XDS oo horjooge Al-Shabaab ku dilay degmada Xudur

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa 21kii May 2016 howlagal ka fuliyay deegan u dhaw degmada xudur oo qiyaastii u jirta 27km ee gobolka Bakool. Howlgalka ayay ciidamada ku dileen horjeege ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab halka mid kalana gacanta lagu dhigay. Horjoogaha lagu dilay howlagalka ayaa lagu magacabaa Xasan Isaaq Nuur (Madaxey) oo Al-Shabaab u qabaabilsanaa waxa ay ugu yeereen sakawaat-ka. Aadan Maxamed Axmed oo ah sargaal ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka ayaa sheegay in ay guul weyn ka gaareen howlgalkii ay fuliyeen. Dhawaan ayay aheyd markii Maxaxweynaha Koofur-Galbeed uu ku dhawaaqay in dhawaan dhulka Koofur-Galbeed laga sifeen doono kooxda Al-Shabaab inta aan la gaarin doorashada.

Ciidanka XDS oo gurmad gargaar bani’aadanimo u fidiyey shacabka Hiiraan

Cutubyo ka mida Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Hiiraan ayaa qeyb wayn ka qaadanaya samatabixinta dadka saamaynta xoogan ay ku yeelatay dagaaladii ka dhacay magaalada Beledweyne iyo fatahaadda Wabiga oo dhamaanba si siman ugu fatahay 4-ta xaafadood ee magaalada Beledweyne ka koobantahay. Maamulka Gobalka iyo xubno kamid ah bulshadda rayidka ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo dowladda soomaaliyeed in aanay indhaha ka qabsan xaaladda adag ee ka jirta Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe oo daah-furay mashaariic horumarineed

Gudoomiyaha Goolka Shabeelaha Dhexe ayaa 26kii May 2016 daah-furay Mashaariic Horumarineed oo laga hirgelinayo gobolka. Mashaariicdan ayaa waxa iska kaashanaya Maamulka Gobolka iyo qeybaha Bulshada. Mashaariicdan waxaa ka mid ah dhismaha qeybaha Suuqa Magaalada Jowhar, wado dhexmarta Suuqa ugu weyn Gobolka Shabelaha Dhexe ee Jowhar iyo kuwo kale. Gudoomiyaha Gobolka Shabeelah dhexe ayaa tilmaamy in Mashaariicdan ay iska kaashanayaa Maamulka Bulshada uu qeyb ka yahay Mashruuca dalkaaga dhiso oo uu horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya. Mashaariicdan ayaa ka kooban afar oo kala ah wadada dhex marta Suuqa Jowhar iyo sedex Mashruur oo kale.

Madaxweynaha oo Waraaqihii Safiirnimo ka guddoomay Safiirka Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 26kii May 2016 warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dalka Jamhuuriyadda Uganda u fadhin doona dalka Danjire Prof Sam Tulya Muhika. Madaxweynaha ayaa danjiraha u xaqiijiyey in Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto xil gudashadiisa. Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadley xoojinta iyo iskaashiga labada dal, siiba dhinacyada tababarka ciidammada, tababarka shaqaalaha rayidka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo waxbarashada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha ka codsadey inuu salaan iyo mahad celin ka gaarsiiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Museveni. Danjire Prof Sam Tulya Muhika, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalkiisa wakiil uga noqdo, isagoo ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono wadashaqeynta labada dal. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda, Axmed Cali Kadiye iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.

Saraakiil Ciidamada XDS oo tababar loogu soo gabogabeeyey Sudan

Magaalada Khartoum ee dalka Sudan ayaa 25kii May 2016 lagu qabtay xaflad Tababar ciidan loogu soo xirayay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Xaflada waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyadoo goob joog ka ahaa dhanka Suudaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Sudan Mudane Cumar Xasan Axmed Albashiir iyo Madax kale. Xafladdan oo ay ku qalinjabinayeen Saraakiil Soomaaliyeed oo muddo labo sano ah Layli ciidanimo uga socday duleedka Magaalada Khartoum ayaa soo gabagabeeyay Tababarkooda, iyadoo sidoo kale tababar la qaadanayay Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Gobolka geeska Afrika.

Wadada Shaqaalaha ee Muqdisho oo la dayactirayo

Wadada Shaqaalaha ee Muqdisho ayaa 25kii May 2016 lagu bilaabay dayactir bacdamaa ay wadadu aad u burbursaneyd mudo dheeer. Maamulka degmada Hodon iyo shacabka ku nool degmada ayaa ka soo qeybgalay xafladii lagu daahfurayey dayactirka wadadaas. Guddoomiyaha degmada Hodon Axmed Salaad Ibraahim ayaa ka warbixiyay howlahan dib loogu dayactirayo wadada shaqaalaha, wuxuuna ugu baaqay bulshada ku nool degmada, ganacsatada iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska wadada.

Talyaaniga oo Qalab ciidan ku wareejiyey Booliiska Soomaaliyeed

25kii May 2016 ayaa munaasabad ciidanka Booliiska lagu wareejinayey Qalab ciidan lagu qabtay xarunta Safaarada Talyaaniga ee Muqdisho. Munaasabadan waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliya Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Fabrizio Marcelli iyo sarakiil kale Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Fabrizio Marcelli ayaa sheegay in mar walba ay garab taaganyihiin Soomaaliya isla mar ahaantaana uu ka dhaxeeyo xiriir adag oo soo jireen ah gacana ay ka geesanayaan tayenta Ciidanka Booliska. Ugu danbeena Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isna ka hadlay goobta ayaa dowlada Talyaaniga uga mahad celiyay qalabka ciidan ee lagu wareejiyey taliska ciidanka booliska Soomaliyeed.

Shirkad Ciraaqi ah oo dhiseysa Dekeda Hobyo ee GalMudug

Maamulka Galmudug ayaa 24kii May 2016 heshiis lagu dhisayo Dekada Hobyo ee Gobolka Mudug waxa ay la galeen shirkad laga leeyahay dalka Ciraaq, si loo dar dargaliyo howlaha ka socdo dakadaas. Heshiiskaani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha GalMudug, mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo heeshiiska kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhismaha cusub ee Dekadda Hobyo uu wax weyn ka badali doono horumarka dhaqaale ee maamulka GalMudug, waxa uuna xusay in shacabka GalMudug ay baahi weyn u qabaan dib u dhiska Dekadda Hobyo oo in muddo ah aanan shaqeynin. Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane Nuur ayaa sheegay in heshiiskan lagu dhisaayo dakadda Hobyo uu qeyb ka yahay dadaallada lagu hormarinaayo deegaanada iyo gobollada dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay uga soo kabsadaan dhibaatooyinka mudada dheer soo jiitamaayay ee ragaaday guud ahaan dalka, gaar ahaan bartamaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Asluubta GalMudug oo la magacaabay

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa 23kii May 2016 magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Galmudug. Madaxweynaha GalMudug ayaa goob joog ahaa xafladii magacaabista isagoo isla markaasna booqday Xarunta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Muqdisho. Bashiir Goobo ayaa sheegay in Madaxweynaha GalMudug uu ka codsaday in Sarkaal aqoon iyo waayo aragnimo leh loo magacaabo si uu uga howlgalo deegaanada GalMudug. Ugu danbeyn waxa hadalo kooban oo mahadnaq iyo bogaadin halkaas ka jeediyay Madaxweynaha GalMudug.

Ciidanka Booliiska oo loo soo xiray tababar ku aadan la shaqeynta shacabka Gobolka Banaadir

23kii May 2016 ayaa ciidamada Booliiska loo soo gabogabeeyey tababar muddo 7 cisho ah u socday oo ay ku barteen sidii ay ula shaqeyn lahaayeen shacabka soomaaliyeed ee ku kala dhaqan degmooyinka Saldhigyadoodu ay ku yaalaan. Agaasimaha Guud ee Wasaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa u soo xiray tababbarkna uu soo qabanqaabiyey xafiiska wacyi-gelinta Wasaradda Amniga Gudaha. Agaasimaha waaxda wacyi gelinta iyo xiriirka bulshada Wasaradda Amniga Gudaha Cabdullaahi Faarax Siyaasi ayaa ugu baaqay Booliiska inay si cadaalad ah bulshada ugu adeegaan. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo asna la dardaarmayey Ciidamada tababarkan usoo xirmay ayaa uga mahadceliyay intii soo qaban qaabisay, waxaana uu xusay in boolisku uu yahay saaxiibka koowaad ee bulshada. Agaasimaha Guud ee Wasaradda Amniga Gudaha Mudane Yuusuf Cali Maxamed ayaa sheegay in Wasaraddu ay u taagantahey sidii shacabka Soomaaliyeed shaqada ciidanku hayaan qeybtooda uga qaadan lahaayeen sidaas darteedna loogu baahday tababarada ceynkan ah. Ciidanka ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin ka turjuneysa waxa ay barteen.

DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, media@moi.gov.so
Tel. +252 61 2777736 Email: moabharr@gmail.com – Muqdisho –Somalia