TOP NEWS+XASAASI AH:- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Cadeeyay cidda ku talisay qaabka ay u dhaceyso Doorashada Dalka

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay yihiin qaswadayaal faraha kula jira masiirka dalka , waxaana uu shaaca ka qaaday in ciddii ka hortimaada Beesha Caalamka xil ka qaadis lagu sameynayo, islamarkaana waxa ay danahooda ku hoggaamiyaan masuuliyiinta dowladda sida uu yiri Jeesow.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in qodobadii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran ay yihiin kuwa laga soo min guuriyay beesha Caalamka oo ana hayan talo Soomaali, sidaas daraadeed ay  inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ka soo horjeedaan.

Jeesow ayaa dhinaca kale ka dalbaday Qaramada Midoobay in ay Soomaaliya ka qaado Cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya si loo sii dar dar geliyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Soomaaliya ayaa dhowr jeer ka dalbatay golaha ammaanka Qaramada in cunaqabateynta hubka laga qaado taas oo ay u muuqato Qaramada Midoobay in ay ka caga jiideyso .