TOP+DHAGEYSO: Wasiir Farkeeti oo daah furay Mashruuc shaqo loogu abuurayo Dhalinyarada

0

Wasiirka Maaliyadda dowladda Soomaaliya Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa maanta daah furaay Barnaamijka Tiir dhexaadka u ah Tayeeynta iyo Fursadaha Hay’adaha Dhaqaalaha.

Mashruucaan ayaa waxaa maalgalinaya Bangiga Aduunka, wuxuuna si toos ah ula shaqaynayaa Wasaaradaha Ganacsiga, Dekedaha  iyo Bangiga Dhexe kuwaas oo xiriir fiican la leh shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Mashruucaan daah furkiisa waxaa ka qayb galay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Dekedaha ee XFS iyo  Wasiirka Maaliyadda dowlad goboleedka Puntland, wuxuuna socon doono mudo sadex sano ah, iyadoo uu kici doono aduun gaaraya 30 milyan oo doolar, waxaana si gaar ah loogu hormarinayaa shirkadaha gaarka loo leeyahay, wuxuuna gacan ka gaysan doonaa sidii loo abuuri lahaa jawi suura galin kara in shaqo loo abuuro dhalinyarada iyo haweenka.

Wasiir Farkeeti ayaa sheegay in diirada lagu saarayo Mashruucaan tayeeynta dhanka shuruucda iyo kor u qaadida awooda Wasaaradaha xiriika la leh Ganacsatada.

Ugu danbayntii, Wasiirka ayaa sheegay in ay farxad u tahay Wasaaradda Maaliyadda in maanta ay kaga dhawaaqdo mashruucaan hirgalintiisa magaalada Muqdisho, wasaaraduna ay diyaarisay wax kasta oo suura galinaya in mashruucaan guulaysto.