TOPNEWS+SAWIRO: Maxay ka wada hadleen Madaxxweyne Gaas & Safiirka Turkiga ee Arrimaha Soomaaliya ?

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas oo kusugan magaalada Muqdisho ayaa kulan deg deg ah la qaatay Safiirka dawladda Turkiga ee arrimaha Soomaaliya, xili La saadaalinayo in Madaxweynaha Turkiga Receb Dayib Ordagan uu imaanayo caasumadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulanka ayaa la sheegay in diirada lagu saaray arrimaha Iskaashiga labada dhinac oo ay ugu horeyso dhinaca Horumarinta & Iska wareysiga geediga ay Soomaaliya ugu jirto doorashada 2016-ka, oo hadda loo mad-lan yaay.

Sidoo kale danjire Olgan Bakar ayaa Madaxweynaha dawladda Puntland ku marti qaaday  in uu kala soo qayb galo munaasabadda daahfurka dhismaha cusub ee safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, taas oo uu si rasmi ah xarigga uga jari doono Madaxweynaha dawladda Turkiga Reccep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey  danjaha dawladda Turkiga sida wanaagsan ee u soo dhoweeyey isla markaana waxa uu ka aqbalay marti qaadka ay dawladda Turkigu u fidisaday ee ah in uu kala soo qayb galo xafladda daahfurka dhismaha cusub ee Safaaradda.

Dhismaha cusub ee safaaradda dawladda Turkiga ee dalka Soomaaliya ayaa ah mid si casri ah loo dhisay isla markaana  loo qalabeeyey, sidoo kalena waxa uu  noqonayaa dhismaha ugu weyn safaaradaha dawladaha caalamku ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa maalmahan sii wadan doona kulamada kala duwan ee uu la qaadanayo Madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxda maamulada kale ee dalka kajira, kulamadaas oo looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

1 2 3 4 5 7 8 9 10 11