Ururka ay ku midoobeen Suxifiyiinta Carabta oo codsaday in xabsiyada laga sii daayo Suxufiyiinta Yamen

0

Ururka Suxifiyiinta Carabta oo fadhigiisu yahay magaalada Tunis ee caasimada dalka Tunisiya ayaa canbaarayay xariga Tobanaan Suxufiyiin Yemanayiin ah oo ku jira xabsiyada dalkaasi siiba Caasimada Sanca.

Afhayen u hadlayay Ururkan ayaa sheegay in suxufiyiintaasi qaarkood lagu hayo meel aan la ogeyn xaaladooda nalaleedna laga deerinayo,wuxuuna ku baaqay Ururka in si deg deg ah loo sii daayo suxufiyiintaasi ,kuwa xanuussana isbitaalada la dhig.

Bayaan uu Ururku magaalada Tunis ka soo saaray 28kii bishan may  wuxuu ku sheegay in kooxda Xuutiyiinta Yeman  ay  qaadayso masuliyida nolasha wariyeyaashaasi xiran  kuwaasoo la sheegay inay qaarkood Cuntada ka soomeen iyagoo ka ashtakoonaya  sidi xun ee loola dhaqmo.