Wado Muhiim ah oo ku taalla Muqdisho oo la dayactirayo iyo lacagihii ku bixi lahaa oo la shaaciyay

0

Wadada shaqaalaha oo ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa maanta laga bilaabay dayactir lagu sameynayo kadib markii ay wadadan ku burburtay dagaaladii sokeeye ee dalka.

Dhismaha wadadan ayaa waxaa ka qeybqaadanaya maamulka degmada  Hodon  iyo shacabka  ku nool degmada iyadoo lagu qabtay maanta munaasabad lagu furayay dayactirka wadadan.

Cabdi Cilmi Guuleed  oo ka mid ah  aqoonyahanada  degmada  Hodon  oo ka hadlay goobta ayaa  sheegay in ay  ka  qeybqaadan doonaan howlaha dib loogu  dayactirayo wadada shaqaalaha ee tegta isgoyska KPP.

Guddoomiyaha  degmada  Hodon  Axmed Salaad Ibraahim ayaa ka warbixiyay howlahan dib looga  dayactirayo wadada shaqaalaha,  wuxuuna  ugu baaqay  bulshada  ku nool degmada  ganacsatada  iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan  dib u dhiska.

Xildhibaan  Aadan  Ibraahim  Dhaayow  oo ka  mid ah golaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa ugu baaqay  mas’uuliyiinta dowlada Federaalka Soomaaliya  iyo qeybha  kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed in ay  gacan ka  geystaan  dayactirka wadada  shaqaalaha.

Wadooyin dhowr ah oo ku yaala  magaalada  Muqdisho  ayaa  dib u dhis  lagu sameeyay  kadib markii  ay iska kaashadeen  bulshada Soomaalieed  iyo maamulada degmooyinka,  kuwaasoo  magaakada Muqdisho  ku soo  kordhiyay  isbedel dhinaca  bilicda ah.