WAR DEG DEG AH:- Puntland & Jubbaland Miyey aqbaleen in xubno dheeraad ah lagu daro Aqalka Sare ?

0

Warar deg deg ah oo aan hadda ka helnay magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in Puntland & Jubbaland ay ogolaadeen in xubno la siiyo gobalka Banaadir, balse waxay sharuud ka dhigeen in xubnaha lasiiyo Banaadir ay noqdaan kuwa lagu qeybsado Nidaamka 4.5, oo ay beelaha Soomaaliyeed oo dhan si siman u qeybsadaan.

Xogtan ay heshay Allgalgaduud Media waxay sheegaysaa in Puntland & Jubbaland ay labaduba aqbaleen qoondada gobalka Banaadir, ka dib markii ay cadaadis kala kulmeen wakiilada caalamiga ah oo si aad ah looga dhaadhiciyey arrimahan.

Laakiin Madaweynaha dawladda Faderaalka oo la Tashadey Xildhibaano & Shaqsiyaad kale ayaa diidey hindisaha ah in la qeybsado xubnaha Aqalka Sare oo ay beelaha Soomaaliyeed oo dhan si siman u helaan.

Taas ka dib Jubbaland & Puntland waxay sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin xubno dheeraad ah oo lasiiyo Banaadir oo aan lagu qeybsan Habka awood qeybsiga beelaha, haddii ladoonayo in Muqdisho ay noqoto caasumadda Soomaaliya.

Wakiilada caalamiga ah ayaa ku jira xalkii ugu dambeeyey, waxaana suuragal ah in oo ay dajiyeen qorshihii iy waqtigii ay dhici lahaayeen doorashooyinka Soomaaliya, sidaasna waxaa u sheegay Allgalgaduud Media xubno aad ula socda shirarkan oo hadda kusugan Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya.

Lama yaqaano sidda ay wada hadaladan noqon doonaan, ilaa haddana lama garanayo sida ay xaajadu noqon doonto, waxaana meel xasaasi ah maraysa arrimaha Siyaasadda ee doorashada Soomaaliya.